Russia ayaa ugu baaqday United States iyo Israel inay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan Iran, isla markaana ay dib ugu laabtaan miiska wadaxaajoodka si ay u xalliyaan khilaafaadkooda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka ay aad u adag tahay, isla markaana sii kordhinta dagaalka ay tahay arrin si weyn looga walaacsan yahay.
Waxay sheegtay: “Ruushku wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa lagu soo afjarayo xiisadda Bariga Dhexe.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale intaas ku dartay:“Sida ay sheegayaan warbixinno rasmi ah, tirada dhibbanayaasha rayidka ah ee Iran ee ka dhashay falalka militari ee sharci-darrada ah ee Washington iyo Tel Aviv waxay gaadheysaa kumannaan.”