Filim basaasnimo ah oo Bollywood dhawaan sii daysay, ayaa helaya ammaan iyo dood kulul oo ka taagan Hindiya iyo Pakistan, sababo la xiriira sida uu u soo bandhigay xiisadaha qadhaadh ee u dhexeeya labada dal ee Koonfur Aasiya.
Filimka Dhurandhar, oo toddobaadkii hore lagu sii daayay shineemooyinka, waa filim siyaasadeed oo basaasiin ah oo soconaya 3.5 saacadood, kana sheekaynaya hawlgallo xad dhaaf ah. Waxa uu bandhigayaa safar rabshado iyo dhiig leh oo dhex maraya adduun ay ka buuxaan burcad iyo sirdoon, iyadoo lagu saleeyay xiisadaha Hindiya iyo Pakistan. Filimku wuxuu yimid bilo yar uun kaddib markii dagaallo iyo iska horimaadyo ay qarxeen bishii May labbda dal, ka dib weerar ay falaago ku qaadeen goob dalxiis oo caan ah oo ku taal Pahalgam, Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, kaas oo Hindiya ku eedeysay Pakistan. Islamabad way beenisay eeddaas.
Tan iyo kala-qaybsankii Hindiya ee horseeday abuurista Pakistan sanadkii 1947, labada dal ee hubka nukliyeerka haysta waxay galeen afar dagaal, saddex ka mid ahna waxay ku salka ku hayeen xiisad gaamurtay ee gobolka muranka badan ee Kashmir.
Filimka waxaa jilaya atarka caanka ah Ranveer Singh, oo matalaya basaas Hindi ah oo dhex galaya shabakado ay ku tilmaamayso “burcad iyo argagixiso” oo ku sugan Karachi iyo Pakistan. Dadka dhaliila filimka ayaa ku doodaya in sheekadiisu ay ku suntan tahay hal-ku-dhegyo siyaasad oo xagjir ah, isla markaana ay si khaldan u tarjumayso taariikhda, arrin ay sheegeen inay noqotay isbeddel ku soo badanaya Bollywood.
Maxuu ka sheekaynaysaa filimkani?
Filimka oo uu agaasimay Aditya Dhar, wuxuu sawirayaa cutub qarsoon oo ka mid ah taariikhda sirdoonka Hindiya. Sheekadu waxay ku wareegsan tahay hawl sir ah oo halis badan oo xuduud ka tallaab ah, taas oo ay fulisay hay’adda sirdoonka Hindiya ee R&AW, iyadoo diiradda la saarayo hal sarkaal oo ka hawlgala dhulka cadowga (Pakistan) si uu u baabi’iyo khataraha amniga qaranka Hindiya.
Filimku wuxuu leeyahay jilayaal culus oo uu hormuud u yahay Singh, kaas oo matalaya sarkaal hawlgal oo ad-adag oo loo xilsaaray inuu burburiyo shabakad “argagixiso” isagoo gudaha uga shaqaynaya. Wuxuu wajahaa cadow xooggan oo uu matalo Sanjay Dutt, kaas oo u taagan hay’adaha Pakistan, iyo burcad ay ka mid yihiin mid uu jilayo Akshaye Khanna. Atarro kale sida R Madhavan ayaa matalaya saraakiil sirdoon iyo istaraatiijiyiin ka shaqaynaya New Delhi.
Qaab-dhismeedka sheekadu wuxuu raacayaa habka caadiga ah ee “bisad iyo jiir” (cat-and-mouse).
Hase yeeshee falalka xamaasadda leh ayaa hoosta ka xariiqaya in, filimku kiciyay dood caro leh oo ku saabsan fasiraadda dhacdooyin taariikhi ah iyo shakhsiyaad muhiim ah.
Maxaa ka dhigay filimka mid muran badan ka dhaliyay Pakistan?
Inkasta oo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo soo jireen ah, filimada Bollywood-ka ayaa weli caan ka ah Pakistan.
In Pakistan loo soo bandhigo sida cadowga ugu weyn ee Hindiya waa mowduuc si joogto ah uga soo noqnoqday filimada basaasiinta Bollywood. Kiiskan, sawiridda magaalada xeebta ah ee Karachi, gaar ahaan xaafadda Lyari oo ka mid ah meelaha ugu faca weyn uguna ciriirisan, ayaa dhalisay dhaliil xooggan.
“Muuqaalka filimka gabi ahaanba waa mala-awaal. Ma u eka Karachi, lagumana mana matalayo magaalada si sax ah,” ayay tiri Nida Kirmani, oo ah bare ku-xigeen cilmiga bulshada ka dhigta Jaamacadda LUMS ee Lahore.
Kirmani, oo sameysay dukumeenti ku saabsan saameynta rabshadaha burcadda ee Lyari, ayaa sheegtay in Karachi, sida magaalooyinka waaweyn ee dunida kale, ay lahayd waqtiyo rabshado aad u daran. Si kastaba ha ahaatee, “in magaalada oo dhan lagu calaamadeeyo rabshad waa dhibaato weyn, sidoo kalena filimku wuu qaldan yahay marka ay timaaddo kaabayaasheeda, dhaqankeeda iyo luqaddeeda,” ayay tiri.
Sidoo kale, xubin ka tirsan Xisbiga PPP ayaa dacwad ka gudbiyay maxkamad ku taalla Karachi, isagoo ku eedeeyay filimka isticmaalka sawirrada raysalwasaarihii hore Benazir Bhutto iyada oo aan oggolaansho laga helin, iyo inuu hoggaamiyeyaasha xisbiga ku soo bandhigay taageerayaal “argagixiso”.
Dhaleeceeyayaal ayaa sidoo kale sheegay in filimku si yaab leh burcadda Lyari ugu xiro xiisadaha juqraafi-siyaasadeed ee Hindiya, inkasta oo burcaddu ay mar walba ku ekaayeen hawlo maxalli ah.
Sidee loogu soo dhaweeyay Hindiya?
Dhurandhar wuxuu noqday guul ganacsi oo weyn gudaha Hindiya iyo qurbo-joogta Hindiya. Si kastaba ha ahaatee, dhaliil kama madhna.
Qoyska Major Mohit Sharma, oo ahaa sarkaal caan ah oo ka tirsan Ciidanka Hindiya, ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Delhi, iyagoo ku andacoonaya in filimku ka faa’iidaystay noloshiisa iyo shaqadiisa iyada oo aan oggolaansho laga helin. Soo saarayaasha filimku way beeniyeen arrintaas, iyagoo sheegay in filimku yahay mala-awaal buuxa.
Si kastaba, filimka waxaa la socda codad dhab ah oo la qabtay iyo muuqaallo warar ah oo ku saabsan weerarro ka dhacay dhulka Hindiya, sida ay sheegeen falanqeeyayaal.
Tani ma isbeddel cusub oo Bollywood ah?
Mayank Shekhar, oo ah dhaliile filimaan ah oo ku sugan Mumbai, ayaa sheegay in noocan ah geesiyaal buunbuuniyay oo ragganimo xad-dhaaf ah leh uusan ahayn wax cusub. Si kastaba, sannadihii u dambeeyay, shirkadaha waaweyn ee filimada Hindiya ayaa u janjeeray sheekooyin si taban u sawira dadka laga tirada badan yahay, isla markaana la jaanqaada siyaasadaha dowladda qaranimo-Hinduuga ee Ra’iisul Wasaare Narendra Modi.
Kirmani waxay sheegtay in tani ay inta badan keento “in Muslimiinta gudaha Hindiya iyo dibaddaba loo yareeyo argagixiso”, taas oo sii fogeysa Muslimiinta dhinaca dhaqanka.
Ra’iisul Wasaare Modi ayaa horay u ammaanay filimka Article 370, halka dhaliilayaashu ay ku tilmaameen dacaayad. Filim kale oo la yiraahdo Kerala Story oo la sii daayay 2023 ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xaqiiqooyinka qalloociyay, isla markaana uu isku dayay inuu sumcad xumeeyo Muslimiinta iyo gobolka Kerala.
