Sacuudi Carabiya oo Maalgashi iyo Taageero Ciidan u Soo Bandhigtay Soomaaliya

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Soomaaliya u soo bandhigtay qorshe istiraatiiji ah oo ballaaran, kaas oo isugu jira taageero miisaaniyadeed, maalgashi dhaqaale iyo iskaashi amni, si loo xoojiyo amniga qaranka iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.

Qorshahan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya daboolidda dhaqaalaha ka maqan mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaas oo laf-dhabar u ah sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada. Taageeradan ayaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka tari karta xasilloonida amni iyo dhiirrigelinta ciidamada.

Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Sacuudi Carabiya ayaa muujisay diyaar garow buuxa oo ay ku maalgashanayso dekedaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya. Maalgashigan ayaa loo arkaa mid beddel u noqon kara shirkadda DP World, oo horay looga saaray dalka, isla markaana fursad cusub u abuuri kara horumarinta ganacsiga badda, shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha qaranka.

Sidoo kale, Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhow gabagabeynta heshiis ku saabsan isbahaysi ciidan oo cusub, kaas oo ay wada yeelanayaan Soomaaliya iyo Masar. Isbahaysigan ayaa qeyb ka ah dadaallada Riyadh ay ku doonayso inay ku xaddido saameynta Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka Badda Cas, iyadoo xoogga la saarayo iskaashi amni oo qoto dheer.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya maalmaha soo socda. Booqashadan ayaa lagu wadaa in lagu dhammeystiro heshiisyada istiraatiijiga ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga milatari.

Heshiisyada la filayo inay kala saxiixdaan dhinacyadu ayaa diiradda saaraya xoojinta amniga Badda Cas, la-dagaallanka khataraha amni ee gobolka, iyo ballaarinta wada-shaqeynta milatari ee dalalka ku midoobaya isbahaysigan cusub.

Haddii ay hirgalaan heshiisyadan, falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga ayaa sheegaya inay si weyn u saameyn doonaan jihada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana ay sare u qaadi doonaan doorka dalka ee sugidda amniga gobolka Geeska Afrika.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.