Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku jirta marxaladdii ugu dambeysay ee dhameystirka heshiis ku saabsan isbahaysi milatari oo cusub, kaas oo ay la yeelanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar. Isbahaysigan cusub ayaa qeyb ka ah dadaalka Sacuudiga uu ku doonayo inuu ku xakameeyo saameynta sii kordheysa ee Imaaraadka Carabta (UAE) ku leeyahay gobolka.
Sida ay sheegeen laba qof oo xog-ogaal u ah arrintan, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhawaan u safro dalka Sacuudi Carabiya si loo soo gabagabeeyo heshiiska. Heshiiskan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee dhinaca amniga Badda Cas, iyo sidoo kale iskaashi milatari oo sal balaadhan oo u dhexeeya dalalka heshiiska ku jira.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya toddobaadkan burisay heshiisyo dhinaca amniga iyo dekedaha ah oo ay horay ula gashay Imaaraadka Carabta. Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu ku xadgudbay madaxbannaanideeda, kadib markii la sheegay in hoggaamiye ka tirsan gooni-u-goosatada Yemen laga dhoofiyey dhulka Soomaaliya, iyadda oo aan oggolaansho rasmi ah loo helin.
Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin Sacuudi ah ay cadaadis saarayeen dowladda Soomaaliya si ay u yarayso xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta. Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo labaduba xubno ka ah isbahaysiga OPEC, Khaliijka, Carabta iyo Islaamka, ayaa sii xoogeysatay kadib markii Sacuudigu ka dalbaday Imaaraadka inuu kala baxo ciidamadiisa dalka Yemen, iyadoo Boqortooyadu doonayso inay hoos u dhigto saameynta uu Imaaraadku ku leeyahay gobolka.
Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer taageero u muujinaysay midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, inkastoo aanay horey u bixin taageero milatari ama mid amni oo muuqata. Heshiiskan cusub ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Sacuudigu si toos ah ugu lug yeesho xoojinta amniga iyo awoodda milatari ee Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in heshiis noocan ah uu socdo, balse wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda Sacuudiga, Wasaaradda Difaaca Sacuudiga iyo dowladda Masar ayaan weli ka jawaabin codsiyo la xiriira faallo arrintan ku saabsan.
Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn u kordhiyay joogitaankiisa qaaradda Afrika, isaga oo doonaya inuu ballaariyo saameyntiisa dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Imaaraadku waxa uu taageero siiyay kooxo hubeysan oo doonaya talada dalal ay ka mid yihiin Liibiya iyo Suudaan. Inkastoo uu marar badan ku celceliyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, haddana Imaaraadku waxa uu maalgashi ku sameeyay dekedaha Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland, taas oo marar badan dhalisay muran siyaasadeed.


