Sacuudiga Oo ka Hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Weerar Iran Maanta ku Qaaday

Sacuudiga ayaa sheegay in labo qof ay ku geeriyoodeen kaddib markii madfac uu ku soo dhacay deegaan ku yaal gobolka Riyaad. 12 qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen

Labada qof ee geeriyootay waxay oo ku kala dhasheen Hindiya iyo Bangladesh, waxay joogeen dhismaha shirkad nadaafadda ka shaqeeysa sida uu sheegay afhayeen u hadlay shaqaalaha gurmadka degdegga.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donland Trump ayaa sheegay in ay miiska u saaran yihiin qorshooyin badan oo ay ku jiraan in ciidamo loo diro Iran.

Madaxweyne Trump wuxuu kaloo sheegay in qofkasta oo beddala Cali Khamenei uusan cimrineyn.

“Waxaan doonayaa in aan xaqiijiyo in aan ku laaban 10 sano ka hor markaas oo aadan haysan madaxweyne anigoo kale ah oo sidan sameyn kara”, ayuu yiri Trump.

Related posts

Khilaaf: Ergeyda gaar ah ee Trump oo baajiyey safar ay ku tagi lahaayeen Israa’iil

Qatar oo soo riday labbo diyaaradood oo Iiraan leedahay oo 2 daqiiqo u jirsday,,

Milateriga iyo siyaasiyiinta Iiraan oo taageeray hogamiyaha cusub, mucaaradka oo boqortooyo u arka