Sacuudiga Oo ku Dhawaaqay in Berri ay tahay 1-da Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in bisha Ramadaan laga arkay qeybo ka mid ah dalka Sacuudiga , kaddib markii guddiyada rasmiga ah ee loo xilsaaray aragga bisha ee ku kala sugan gobollada Sacuudiga ay soo gudbiyeen warbixinno xaqiijinaya in bisha la arkay, sidaana Arbacada berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Allaha na gaarsiiyo bisha bisheeda hana naga dhigo kuwii ka faa’iidaysta soonkeeda, salaadda iyo sadaqada islamarkaana kheyr iyo dembi-dhaaf-na Alle hanaga siiyo Aamiin.

Ramadaan Mubaarak

Related posts

Somaliya Oo si Rasmi ah u Dhaqan Gelisay Nnidaamka Cusub Ee Electronic Travel

“Qalabkan Qiimaha Laydhka Boorama wuxuu ka Dhigi Doonaa…” Wasiirka Macdanta Somaliland

Somaliland Oo Shaacisay Deegaanada Laga Arkay Bishan Ramadaan