Sacuudiga Oo Sheegay aan Dhulkiisa laga Weerari-doonin Iran Iyo Qadar Oo Xaqiijisay

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Boqortooyada Sucuudiga ayaa si toosa Iiraan ugu wargalisey in gabi ahaanba dhulkooda iyo hawadooda uu Mareykanku u adeegsan doonin weerar kasta oo uu ku qaadayo Iiraan.

Sucuudigu wuxuu sidoo kale Iiraan u sheegay ineysan iyagu ka qaybqaadan doono weerar kasta oo milatari oo lagu qaadayo Iiraan.

Dhinaca kale Dawlada Qatar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in shaqaalaha iyo dadka rayidka ah uu ka daad gureyay Mareykanka saldhigga cirka ee Al Udeid oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanka uu leeyahay bariga dhexe oo ku yaalla dulleedka magaalada Dooxa.

Qatar ayaa ku sheegtay sababta uu Mareykanka uga saarayo shaqsiyaadkan saldhigan inay la xiriirto xaaladda kacsan ee gobolka, xilli ay jirto suragalnimada uu Mareykanka ku weerarri karo Iiraan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.