72
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kormeer ku tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ee ku sugan difaacyada aagga Guumays. Wasiirku wuxuu ku boorriyey ciidamada xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka, iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta.
Wuxuu si gaar ah u bogaadiyey babashada calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan CXDS iyo kan Waqooyi Bari Soomaaliya ee Guumays tallaabo uu ku tilmaamay astaan midnimo oo rajadeedu tahay inay ku fido deegaannada kale. Waxaa soo tebiyey Mukhtaar Timacadde.









