Senator Jim Risch, oo ka tirsan Golaha Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in Mareykanku wajahayo khataro amni oo dhab ah oo ka dhalanaya nabadgalyo darada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in dadaallada la-dagaallanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadannimo ay si buuxda ugu adeegaan danaha Mareykanka.
Senator Risch ayaa xusay in mudnaanta koowaad la siinayo ka hortagga musuqmaasuqa, khasaarinta dhaqaalaha, iyo ku takri-falka ay gaystaan shaqsiyaadka qaar oo ka faa’iideysta mashaariicda amniga iyo gargaarka. Wuxuu sheegay in lacagaha iyo taageerada la bixiyo ay tahay in si hufan oo masuuliyad leh loo maamulo, si aanay u gelin gacmo qaldan.
“Maraykanku wuxuu wajahayaa khataro amni oo dhab ah oo ka imanaya qalalaasaha Soomaaliya, waana lama huraan in dadaallada la xidhiidha la-dagaallanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadannimo ay ugu horreyn u adeegaan danaha Mareykanka, gaar ahaan ka hortagga khasaare, musuqmaasuq, iyo ku takri-fal ay sameeyaan shaqsiyaad,” ayuu yidhi Senator Risch.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay gudaha Mareykanka oo ku saabsan sida loo maareeyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, loogana hortagi karo in ay sii adkaadaan khataraha amni ee gobolka Geeska Afrika.
Maraykanka ayaa dhawaan joojiyay qaar kamid ah deeqihii uu siin jiray Soomaaliya, kadib markii uu ku eedeeyay musuqmaasuq. Si kastaba ha ahaatee, deeqaha gargaarka bani’aadannimo ayaa dib loo fasaxay, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dib u soo celisay raashin hore looga saaray mid kamid ah bakhaarada hay’adaha gargaarka.
Maamulka cusub ee Trump ayaa sidoo kale joojiyay wada shaqeyntii uu la lahaa qaar kamid ah hay’adaha gargaarka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in deeq kasta oo la bixinayo ay si cad ugu adeegto danaha gaarka ah ee Maraykanka. Trump ayaa si gaar ah u dhaliilay habka ay Soomaalida, gudaha iyo dibaddaba, u maamulaan deeqaha.