Shaqa Joojin Sababtay dib u Dhac ku Yimid Duulimaadyadii Garoonka Kenya

Duulimaadyada ka soo dagaya iyo kuwa ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Kenya ayey dib u dhac ku yimaadeen ka dib shaqo joojin ay qorsheeyeen shaqaalaha duulista hawada, sida ay sheegeen maamulka hawada iyo duulimaadyada qaranka.

Duulimaadyadii ka dhoofi lahaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi – oo ka mid ah xarumaha ugu mashquulka badan Afrika – ayaa dib loo dhigay illaa afar saacadood.

Qaar ka mid ah rakaabka ayaa sheegaya in ay sii fadhiyaan gudaha diyaaradda muddo dheer, iyada oo duuliyayaashu ay sugayaan fasax ay ku duulaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay Kenya Airways ayay ku sheegtay in ay la kulmeyso “dib u dhac dhanka maamulka hawada ah oo saameeynaya qaar ka mid ah dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya”. Waxay intaas ku dartay inay kala shaqaynayso mas’uuliyiinta si loo yareeyo carqaladaha iyo in la sameeyo hawlgallada nabdoon.

“Rakaabka aya lagula talinay n ay fishaan dib u qaabeeyn lagu sameeyo jadwalka, oo ay ku jiraan dib u dhac,” ayay tiri shirkaddu, iyada oo raaligelin ka bixinaysa dhibaataad dhacday.

Hadalkan ayaa daba socda digniin todobaad ka hor uu soo saatray Ururka Shaqaalaha Duulimaadka Kenya ee loo soo gaabiyo (KAWU) taas oo ku aadanayd qorshe ay ku doonayaan in ay ku sameeyaan shaqo joojin ka dhalatay mushaaraadka iyo xaaladaha shaqo oo liidata.

Xoghayaha guud ee KAWU Moss Ndiema ayaa u sheegay Daily Nation in shaqo joojintu ay bilaabatay 06:00 wakhtiga maxaliga ah (03:00 GMT) taas oo saamaysay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha ee dalka.

Related posts

Maraykanka Oo Billowday Hawlgal Lagu Furfurayo laguna Rarayo Agabka Reaktar Nukliyeer ah.

Iran oo Ogolaatay in Hay’adda Tamarta Adduunku Kormeerto Xarumaheeda Nukleerka

Amiirka Qatar Oo Maanta khadka Taleefoonka kula Hadlay Madaxweyne Hassan Sheikh