Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Midowday (Home Office) ayaa ku dhawaaqay sharci cusub oo wax ka beddelaya habraacyadii safarka ee muwaadiniinta British-ka ee haysta dhalasho labaad, kaas oo la filayo inuu saameyn ballaaran ku yeesho socdaalayaal badan.
Sharcigan cusub ayaa dhaqan gelaya 25-ka Febraayo 2026, wuxuuna dhigaya in qof kasta oo u safraya UK uu qasab ku noqonayo inuu haysto Visa ama ruqsadda ETA (Electronic Travel Authorisation), iyadoo laga reebayo oo keliya dadka sita dukumentiyo sax ah oo muujinaya xaqa gelitaanka dalka.
Sida ku cad sharcigan, muwaadin British ah oo adeegsanaya passport kale—sida kan Mareykanka, Kanada, Australia ama waddamada Midowga Yurub—ma awoodi doono inuu ETA ka dalbado online, maadaama nidaamka elektarooniga ah uu si toos ah u diidayo codsiga marka la ogaado in qofku yahay muwaadin British ah.
Arrintaas awgeed, muwaadiniinta British-ka ee leh dhalasho labaad waxaa lagu wargeliyay in ay safarka ku wataan mid ka mid ah dukumentiyadan:
Passport British ah, ama Shahaadada COE (Certificate of Entitlement) oo lagu dhejiyo passport-ka kale, taasoo caddeyneysa inuu qofku xaq u leeyahay gelitaanka UK visa la’aan.
Home Office-ku wuxuu sidoo kale xusay in shirkadaha diyaaradaha ay mas’uul ka yihiin hubinta saxnaanta dukumentiyada safarka ee rakaabka. Haddii qofku uusan wadan dukumenti sax ah, waxaa suuragal ah in:
Laga hor istaago raacista diyaaradda, ama
Laga celiyo gelitaanka UK marka uu yimaado.
Mas’uuliyiinta UK ayaa ugu baaqay muwaadiniinta ay khusayso sharcigan cusub in ay si hore u hubiyaan dukumentiyadooda safarka, si looga fogaado dhibaatooyin iyo dib-u-dhac ku yimaada safarkooda.

