Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh oo kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho kedis ah ku tagay guriga Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmeduu ka degan yahay magaalada Muqdisho

Wararku waxay intaas sii raacinayaan in kulan gaar ah ay wada leeyihiin Sheekh Shariif Xassan Shiikh.

Imaanshaha Madaxweynaha ayaan ahayn mid horay loo sii qorsheeyay, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhow Sheekh Shariif, kuwaasoo sheegay in kulankaasi uu ahaa mid deg deg loo qorsheeyey.

Labada mas’uul, oo kala ah Madaxweynaha xilka haya iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif, ayaa si weyn ugu kala aragti duwana arrimaha siyaasadda dalka, dastuurka iyo doorashooyinka.

Lama oga ilaa hadda waxa looga hadlayo kulankan deg deg ah iyo sababta soo dedejisay welina wax war ah kama soo saarin madaxtooyada Soomaaliya iyo dhinaca Shiikh Shariif oo ah hogaamiyaha golaha samata bixinta

Sheekh Shariif oo ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.