Shiinaha Iyo K/Waqooyi Oo si Adag u Cambaareyay Tallaabada Mareykanku ku Qabteen Madaxweynaha Venezuela

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay Mareykanku ku qabteen Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah Oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana uu dhaawacayo qiyamka iyo hab-dhaqanka xiriirka dowladaha caalamka. Shiinaha ayaa ku tilmaamay arrinta mid khatar gelin karta xasilloonida siyaasadeed ee gobolka Latin America.

DHANKA KALENA–Dowladda Kuuriyada Waqooyi oo ka digtay xadgudubka lagu sameeyay madaxweynaha Venezuela sidoo kale dawlada Pyongyang ayaa sheegtay in tillaabada Mareykanka ku soo xiray Madaxweynihii dalka Venezuela, Nicolas Maduro ay tahay mid aan La aqbali karin maraykanka waxa uu dunida ka samaynayo

Sidoo kalana wadamo farabadan oo ay ka mid yihiin Turkiga Jabaan iyo wadamo kale ayaa cambaareeyay madaxweyne Trump.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.