Shiinaha Oo aan Weli Jawaab Cad ka Bixin Codsigii Madaxweyne Trump

Wararka caalamiga ah ayaa tilmaamaya in dowladda Shiinaha aysan weli bixin jawaab cad oo ku saabsan codsi uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaga dalbaday inay ka qayb qaadato sugidda ammaanka marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Beijing ay si dadban uga gaabsatay arrintan, iyadoo aan muujin wax diyaar garow ah oo ku aaddan dirista maraakiib militari, taas oo muujinaysa siyaasad taxaddar leh oo ay ka qaadatay xiisadaha ka jira Bariga Dhexe.

Dhanka kale, dowladda Shiinaha ayaa si deggan u soo dhoweysay dib u dhaca safar uu Trump ku tegi lahaa magaalada Beijing, iyadoo arrintaas loo fasiray in aysan jirin degdeg ay u aragto wadahadalka xaaladda taagan.

Falanqeeyayaasha ayaa arrintan ku micneeyey in Shiinaha uu doorbidayo inuu ilaashado dhexdhexaadnimo, isla markaana ka fogaado ku lug lahaanshaha tooska ah ee xaaladaha militari, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha dhaqaale iyo xasilloonida gobolka.

Related posts

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta Weerarada Goobta Gaaska

Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Iran Caawa ku Qaaday Sacuudiga Oo la Shaaciyay.

“Laftagareen waa Beentiis Hawiye Duulaan kuma ahan Beydhabo” Xildhibaanada K/Galbeed..