Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa dhiggiisa Iran Cabbaas Aragchi kala hadlay dejinta xiisa dagaal ee ka taagan baiga dhexe.
Qoraal laga soo turjumay warbaahinta dawladda Shiinaha, Aragchi ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Yi: “Iran waxa ka go’an xabbad-joojin dhammaystiran, ma aha oo keliya mid ku meel gaar ah”.
Waxa uu sidoo kale sharraxay in “Hormuz ay u furan tahay dadka oo dhan, maraakiibtuna ay si nabad ah u mari karaan, laakiin waddamada hadda dagaalku kula jira Iran Laga fiirsan-doono”.
Warbaahinta dowladda oo akhrineysa wada hadalka ayaa yiri Yi waxa uu ku nuuxnuuxsaday: “Hadalku mar walba waa ka fiican yahay daga.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa dhankiisa sheegay in Marinka Hormuz laga xidhay maraakiibta Mareykanka iyo Israa’iil, iyo sidoo kale maraakiib kasta oo la xidhiidhta dhinacyada ka qayb qaatay ama taageeray weerarrada ka dhanka ah Iiraan.
Wuxuu intaas ku daray in maraakiibta kale loo oggol yahay inay maraan marinka, balse ay ku mari karaan oo keliya iyagoo la xidhiidhaya isla markaana oggolaansho ka helaya hay’adaha ay khusayso ee Iiraan.alka” wuxuuna ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay “ka faa’iideystaan fursad kasta iyo daaqadda fursadda nabadda oo ay bilaabaan geeddi-socodka nabadda sida ugu dhaqsaha badan”.