86
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Ynet, ayaa xaqiijiyay inuu Shiinaha joojiyay maalgashigii uu ka sameyn jiray gudaha Israa’iil, sabab la xiriirta inuu Shiinaha hadda u aqoonsaday Israa’iil inay tahay goob khatarteedu sarreyso.
Sanduuq maalgashiga Shiinaha ayaa go’aankan ku wargeliyay Israa’iil, isagoo sheegay in amarro ka yimid dawladda Shiinaha ay sabab u yihiin inuusan sii wadi karin heshiisyo maalgashi oo cusub oo ka dhaca gudaha Israa’iil.
