Shiinaha Oo Qaaday Tallaabooyin Lagu Cadaadinayo Mareykanka

by Heemaal
1 minutes read

Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu cadaadinayo Mareykanka, xilli uu inta badan awoodiisa milatari Mareykanka isugu geeyay bariga dhexe, wuxuu Shiinaha awoodiisa ku tuuray badda koonfurta Shiinaha oo ah mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan tartanka quwadaha waaweyn,halkaa oo Shiinaha uu ka billaabay kormeer badeed iyo kuwo cirka ah oo ka socda meelaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Afhayeenka taliska koonfureed ee ciidanka Shiinaha, Chai Shi Chen ayaa maanta ku dhawaaqay in Shiinaha uu tallaabooyinkan u qaadayo si uu uga jawaabo dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in Filibiin oo ah xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ay halkaa ka wado, isla markaana Shiinuhu uu doonayo inuu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.