Diyaaradda rakaabka ee Arkia, oo laga leeyahay dalka Israa’iil, islamarkaana la sheegay in shalay hawada Soomaaliya laga mamnuucay, ayaa maanta si caadi ah ugu duuleysa khadka hawada ee Somaliland & Puntland, iyadoo aan wax isbeddel ah lagu samayn jadwalkeeda duulimaad.
Duulimaadkan maanta ayaa ka soo kacay magaalada Tel Aviv, waxaana uu ku wajahan yahay magaalada Bangkok ee dalka Thailand, isaga oo maraya marinadii hawada ee caadiga ahaa ee gobolka.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo iyo hadal-heyn ballaaran, kaddib wararkii shalay soo baxay ee sheegayay in Soomaaliya ay hawadeeda ka mamnuucday diyaaradda Arkia, taasoo maanta muuqata in aanay si buuxda u hirgelin ama aysan saameyn ku yeelan duulimaadyada qaarkood.

