Shirkadda tamarta dawladda Turkiga ee TPAO ayaa maanta heshiis is-afgarad la saxiixatay shirkadda tamarta Mareykanka ee Chevron, si ay wadajir ugu sahamiyaan ugana soo saaraan shidaal iyo gaas dabiici ah. Arrintan waxaa shaaciyay Alparslan Bayraktar, Wasiirka Tamarta Turkiga.
Heshiiskan wuxuu yimid saacado kaddib markii Chevron oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska, isla markaana leh tiknoolajiyad aad u horumarsan ay heshiis hordhac ah la gashay Dowladda Suuriya, si ay uga qayb qaadato horumarinta soo saarista shidaalka iyo gaaska dalkaas.
Dhanka kale, shirkadda tamarta dawladda Turkiga ee TPAO waxay rajaynaysaa in heshiiskan cusub uu u sahlo ballaarinta howlgaladeeda iyo kordhinta wax-soo-saarka. TPAO , oo sahmin ka wada badda madow ayaa sidoo kale heshiisyada ugu weyn ee ay heysao waxaa ka mid ah sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, taas oo ka dhigan in heshiiska maanta la saxiixay uu u furayo Chevron fursad ay door uga qaadato horumarinta khayraadka tamareed ee Soomaaliya.
Heshiiskan, waxaa sidoo kale loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo Turkigu ku doonayo inuu yareeyo cadaadis kasta oo dhanka Mareykanka kaga iman kara, gaar ahaan xilli maamulka Madaxweyne Trump uu muujinayo rabitaan sii kordhaya oo ku aaddan ka inuu gacanta ku dhisaan goobaha tamarta iyo khayraadka leh oo ay ku jirto Somaaliya.