Shirkadda diyaaradaha Israa’iil Oo Sheegtay in aan Weli loo Cusboonaysiin Oggolaanshaha Hawada Somaliya.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia ayaa sheegtay in aan weli loo cusboonaysiin oggolaanshaha ay ku mari karto hawada Soomaaliya, kaas oo ka dhacday dhammaadka bishaan Janaayo, taasoo keeni karta in ay beddeshaan jidka ay u maraan duullimaadka Thailand.

“Habraacyada duulista caalamiga ah awgeed, shirkaduhu mar kasta way cusboonaysiiyaan oggolaanshaha ay ku maraan hawada dalal kala duwan,” ayay Arkia ku tiri bayaan. “Ilaa hadda, weli ma helin cusboonaysiinta oggolaanshaha bisha Febraayo ee ku saabsan marista hawada Soomaaliya.”

“Haddii aan oggolaansho la helin bilowga Febraayo, duullimaadyada waxaa loo wareejin doonaa marin kale,” ayay shirkaddu raacisay.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay Soomaaliya ay muujisay diidmo xooggan oo ka dhan ah aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Arkia waxay sheegtay in arrintan ay gacanta ku hayaan hay’adaha Israa’iil, oo ay ku jiraan Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dowladda Soomaaliya wali war rasmi ah sooma saarin oo arrintaan la xiriirta.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.