Sirdoonka Mareykanka Oo Sheegay In Iran ay ka Faa’iideysanayso Dilka Cali Khamenei.

Qiimeynta sirdoonka Mareykanka ayaa muujineysa in dilka Cali Khamenei laga yaabo in nidaamka Iiraan uu si weyn uga faa’iideysto, sida uu uga faa’iideystay dhacdooyin taariikhi ah sida dhacdadii Karbala iyo shahiidnimadii Imaam Xuseen,si taas loogu xoojiyo gudaha Iiraan loona kiciyo dareenka shacabka, gaar ahaan kadib dhacdooyinkii u dambeeyay.

Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka, Tulsi Gabbard, ayaa qiratay arrintan,waxayna sheegtay in dilka Khamenei uu noqon karo istiraatiijiyad khaldan, oo laga yaabo inay si lid ku ah ugu soo noqoto Mareykanka.

Waxay tiri:“Tani waxay durba kicin kartaa jawaab Iiraani ah oo aad u khatar badan, natiijooyinkeeduna aan la saadaalin karin.Waxaa laga yaabaa inaan si aan ula kac ahayn uga faa’iideysanay dareenkooda dhaqan.”

Related posts

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta Weerarada Goobta Gaaska

Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Iran Caawa ku Qaaday Sacuudiga Oo la Shaaciyay.

“Laftagareen waa Beentiis Hawiye Duulaan kuma ahan Beydhabo” Xildhibaanada K/Galbeed..