Wargeyska caanka ah ee The Washington Post ayaa daabacay warbixin ku saleysan qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka, taas oo lagu sheegay in weerar militari oo culus oo lagu qaado Iran uusan suuragal ka dhigi karin in si fudud loo beddelo ama loo burburiyo nidaamka ka jira dalkaas.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in falanqeeyayaasha sirdoonka Mareykanka ay aaminsan yihiin in xitaa haddii la qaado weerarro militari oo xooggan, aysan taasi keeni doonin isbeddel siyaasadeed oo degdeg ah oo ka dhaca gudaha Iran. Sababta arrintan loo xusay ayaa lagu sheegay in nidaamka siyaasadeed ee dalkaasi uu leeyahay qaab dhismeed adag oo muddo dheer dhisnaa, kaas oo u adkeysan kara cadaadisyo dibadeed.
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in mucaaradka gudaha Iran ka jira uusan lahayn awood iyo abaabul ku filan oo uu ku horseedi karo isbeddel weyn oo siyaasadeed. Sida lagu sheegay qiimeynta sirdoonka, kooxaha mucaaradka ah ee gudaha dalkaasi ku sugan ayaa weli kala qeybsan, isla markaana aan haysan taageero ballaaran oo u saamaxaysa inay si wax ku ool ah u beddelaan nidaamka talada haya.
Dhanka kale, warbixintu waxay iftiimisay in qaab dhismeedka dowladeed ee Iran – oo ay ku jiraan hay’adaha amniga, militariga iyo nidaamka siyaasadeed – uu yahay mid si adag isu taageera, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in la burburiyo ama si fudud wax looga beddelo, xitaa haddii cadaadis militari ama mid siyaasadeed oo xooggan la saaro.
Falanqeeyayaasha arrimaha caalamiga ah ayaa sheegay in qiimeyntan sirdoonka ay muujineyso sida ay u adag tahay in xal militari lagu gaaro isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Iran, iyagoo tilmaamay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo wadahadallada siyaasadeed ay weli yihiin waddada ugu macquulsan ee lagu yareyn karo xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington.