Dowladaha Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa uga digay Dagaal oogaha bariga Liibiya, G/ Khalifa Haftar, inuu sii wado Taageerada iyo fududeynta hub, shidaal, iyo Calooshood u shaqeystayaasha Imaaraadku u diraan Suudaan, gaar ahaan RSF oo ay UAE taageerto, kuwaas oo fuliyay xasuuqyo iyo nadiifin qowmiyadeed oo ballaaran oo ka dhacay Darfur.
Waxay sheegeen in haddii taageeradaasi sii socoto ay halis gelin karto xiriirka Qaahira ee Haftar, sida uu ay warisay Middle East Eye.
Sirdoonka Masar ayaa sheegay in hubka UAE iyo shidaalka ka imanaya Liibiya ay suurto-geliyeen horumarro milatari oo RSF ka gaartay Dagaalka Sudan,oo ay ku jiraan dagaalladii dhawaan ka dhacay El-Fasher.
Sida ay sheegeen ilo militari oo Masri ah, Sirdoonka Masar ayaa Qaahira ku casuumay Wiilka G/ Xaftar oo lagu magacaabo Saddam Haftar, Waxaana lala wadaagy Xog Sirdoon oo lagu xiriirta Kaalinta Xaftar ee Dagaalka Sudan, sawirro dayax gameed lagu qaaday iyo aiyo dhaqdhaqaaqa calooshood-u-shaqeystayaal ajnabi ah oo galaya Suudaan.
Ugu dambeyntii Sirdoonka Masar waxaa ay fariin Hanjabaad ah Xaftar Ugu dhiibeen wiilkiisa, Dagaalka Sudan ayaa galay Xaalad Halis ah Kooxda RSF ayaa taageera ka hesha Imaaraadka Carabta kuwaa oo u soo Mariya Liibiya, iyo Itoobiya oo labaduba deris la ah Sudan.

