HNN: Inkasta oo shan toddobaad oo weerarro maalinle ah oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil lagu qaaday Iran, haddana dalkaas weli wuxuu haystaa qiyaastii kala bar qalabkiisii lagu rido gantaallada iyo kumannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), sida ay sheegayaan qiimeynno sirdoon oo Maraykan ah.
Weli waxay awood u leeyihiin inay qalalaase buuxa ka abuuraan gobolka oo dhan, ayuu mid ka mid ah ilaha u sheegay CNN.
Qiimeynta sirdoonka waxay muujinaysaa in Iran ay weli haysato ku dhowaad 50 boqolkiiba awooddeeda drones-ka iyo qayb weyn oo ka mid ah gantaallada difaaca xeebaha. Gantaalladan waxay u suurtagelinayaan Iran inay halis geliso maraakiibta maraysa marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in “awoodda Iran ee ridista gantaallada iyo drones-ka ay si weyn hoos ugu dhacday.” Wuxuu qiyaasay in hawlgallada Maraykanku ay ku dhammaan doonaan laba ilaa saddex toddobaad gudahood.
Laakiin ilo sirdoon ayaa aaminsan in arrintaasi aysan macquul ahayn.Waan sii wadi karnaa inaan waxyeello u geysanno, laakiin waad waalan tahay haddii aad u malaynayso inay laba toddobaad ku dhammaan doonto, ayuu yiri mid ka mid ah ilaha.
Ilaa hadda, Maraykanku wuxuu beegsaday in ka badan 12,300 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, sida uu sheegay taliska dhexe ee Maraykanka. Hoggaamiyeyaal sare oo Iiraaniyiin ah ayaa la dilay, oo ay ku jiraan hoggaamiyaha ugu sarreeya Ali Khamenei.
Sababta aan loo burburin qalab badan oo gantaallo lagu rido ayaa ah in Iran ay ku qarisay shabakad ballaaran oo dhulka hoostiisa ah.
Heemaal News Network