Diblomaasiyadda Mareykanka ee Chargé d’affaires Laura Dogu ayaa gaartay Caracas si ay u soo celiso xiriirka diblomaasiyadeed ee Venezuela ka dhexeeya Mareykanka kadib toddoba sano oo xiriirkaas go’an yahay.
Tani waxay dhacaysaa ku dhawaad hal bil ka dib markii weerar milatari oo uu amray madaxweyne Donald Trump uu ka saaray madaxdii hore ee Venezuela Nicolás Maduro.”
Kooxdayda iyo anigu diyaar ayaan u nahay inaan shaqo bilaabno,” ayay ku tiri Dogu qoraal ay soo dhigtay barta X ee safaaradda Mareykanka ee Venezuela.
“Chargé d’affaires” waa diblomaasi hogaamiya safaarad marka aysan joogin safiir caadi ah ama marka labada dal aysan wakiil buuxa ku hayn safaaradda heer safiir.”