Xukuumada Somaliland ayaa si buuxda u taageertay go’aankii ay Dawladda Maraykanku ka qaadday Madaxweynaha dalka Venezuela, kaas oo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee ka taagan dalkaasi. Somaliland waxay muujisay mowqif cad oo ay ku garab istaagayso dadaallada Maraykanka ee uu ku doonayo in xal waara laga helo qalalaasaha siyaasadeed ee Venezuela.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay si buuxda u taageersan tahay tallaabooyinka ay Dawladda Maraykanku qaadayso. Tallaabooyinkan ayaa ujeeddadoodu tahay in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, sharciyadda dimuqraadiyadeed iyo ku dhaqanka sharciga, kuwaas oo laf-dhabar u ah xasiloonida iyo horumarka dal kasta.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu yidhi;
Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay tallaabooyinka Maraykanku uu qaadayo, kuwaas oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, sharciyadda dimuqraadiyadeed, iyo ku dhaqanka sharciga ee dalka Venezuela.
Waxa xusid mudan in Venezuela ku jirtay waddamadii ka horyimid aqoonsida Somaliland.


Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

