Somaliland ma Faa’ido ayaa Ugu jirta Xidhiidhka Somaliya iyo Imaaraadka ee sii Xumaanaya Mise Khasaare?

by Heemaal
1 minutes read

Somaliland ma faa’ido ayaa ugu jirta Xidhiidhka Somaliya iyo Imaaraadka ee sii xumaanaya mise Khasaare? Dekedda Berbera iyo maalgalinteeda miyay Saamayn kartaa Arrintani?

1:- DP World goorma ayay Somaliland timid?

Shirkada Dp world waxa ay Somaliland heshiis ka dhismaha iyo casriyaynta Dekedda Berbera la gashay Sannadkii 2016 waxaana heshiiskan ansixiyay Baarlamanka Somaliland, wakhtigaas Dawladda Somaliya dagaal adag ayay ka gashay in aan la dhisin Dekeda Berbera oo waxa la xasuustaa in xataa Baarlamanka Somaliya ay fadhiisteen oo ay sheegeen in ay cod aqlabiyad ah ku diideen in Dp world timaado Berbera hadana waxaas oo dhan dhag jalaq looma siin oo waxa dhaqan galay heshiiskii Somaliland iyo shirkada Dp-world.

Dhinaca kale shirkada DP-world waxa ay hadda ku maalgalisay Dekedda Berbera 400 oo Million oo Dollar, waxaana wali socda mudadii heshiiska, Somaliland-na way ku qanacsantay qaabka DP-Word u wado dhismaha iyo Casriyaynta Dekedda Berbera markaa waxba udhimi mayso go’aankani shaqadii DP-World ka waday Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.

2:- Somaliland sidee ayay uga faa’idaysan kartaa Xidhiidhka sii xumaanaya ee UAE iyo Somaliya?

Go’aanka golaha wasiirada Somaliya ku laaleen heshiisyadii Imaaraadku kula jiray Somaliya waxa ay Somaliland ka faa’idi kartaa arrimo badan oo ay kamid yihiin:-

1:- Somaliland waxay faa’idi kartaa in Imaaraadku ku dhiirado Aqoonsiga JSL oo horeba uu ula lahaa Xidhiidh.

2:- Somaliland iyo UAE waxay sii xoojin karaan xidhiidhadoodii oo waxay wada gali karaan heshiisyo cusub oo la xidhiidha dhicnayada Amaanka, Ganacsiga, iyo Duullimaadyada.

3:- Sidoo kale Somaliland waxay ka faa’idi kartaa in meesha laga saaro caqabadii E-visaha oo dadka Somaliland shibaato weyn ku ahay.

4:- Arrintani waxay dunidda tusaysaa in Somaliya aanay ahayd Dal maalgalintiisa laysku halayn karo.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.