Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay hadallo ay baahisay Al Jazeera, kuwaas oo uu jeediyay Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, iyada oo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Qoraal Af Carabi ku qoran oo Wasaaraddu ku daabacday barta X ayay ku sheegtay in ay si buuxda u beeninayso hadallada loo nisbeeyay mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho, gaar ahaan kuwa laga sii daayay telefishinka Al Jazeera, isla markaana ay caddeysay in eedeymahaasi yihiin kuwo gebi ahaanba aan xaqiiqo ku fadhiyin.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraysa hadallo loo nisbeeyay mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho, kuwaas oo laga baahiyay telefishinka Al Jazeera, iyada oo caddaynaysa in eedeymahaasi aanay sal iyo raad toona lahayn” ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaarada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta in ay ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo iyo xirfad, kuna tiirsanaadaan ilo lagu kalsoonaan karo, halkii ay ka baahin lahaayeen warar aan la hubin, sida ay sheegtay.
Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa waraysi uu siiyay barnaamijka Al-Masaiya ee Aljazeera Mubasher, ku sheegay in wararka la xidhiidha dukumentiyada Jeffrey Epstein ay muujinayaan faragelinno iyo dhaqdhaqaaqyo shisheeye oo lagu wiiqayo wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.
Cali Balcad wuxuu sheegay in ay jireen isgaadhsiin iyo dadaallo ay wadeen shirkado caalami ah oo, marinno aan rasmi ahayn, ku doonayay in lagu riixo aqoonsiga Somaliland inay noqoto dal madax-bannaan. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland ay ku dhisan tahay wada-hadal iyo isu-tanaasul, isaga oo sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu keeni doonin nabad.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Israa’iil, isaga oo ku eedeeyay inay qorsheyneyso in Falastiiniyiinta laga barakiciyo Marinka Qasa loona raro Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, isla markaana ugu baaqay beesha caalamka in ay ka hortagto tallaabo kasta oo noocaas ah.
Somaliland iyo Israa’iil ayaa hore si isku mid ah ugu beeniyay jiritaanka wararka sheegaya in qoxootiga reer Falastiin loo rarayo Somaliland.
