Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay nolosha guud ee bulshada JSL, gaar ahaan dhinacyada kor u kaca qiimaha shidaalka iyo maciishadda oo si toos ah u saameeyey nolol-maalmeedka bulshada.
Wasiirku waxa uu xusay in arrintani ay tahay mid ka dhalatay xaalado Caalami ah oo ka baxsan awoodda gudaha, balse ay lagama maarmaan tahay in Xukuumad iyo Ganacsataba si wadajir ah looga hortago saamaynteeda.
Wasiirku waxa uu Golaha u soo bandhigay tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. Kormeer joogto ah oo lagu sameeyo suuqyada si loo xakameeyo sicir-bararka.
2. La socodka iyo dejinta qiimaha iibka Shidaalka.
3. Wadahadal iyo iskaashi lala yeeshay Ganacsatada si loo ilaaliyo xasilloonida suuqyada.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu farriin u diray ganacsatada dalka, isaga oo ugu baaqay in ay muujiyaan masuuliyad Qaran, isla markaana ay ka fogaadaan kordhin aan macquul ahayn oo ku yimaadda qiimaha Shidaalka iyo Maciishadda, si loo ilaaliyo danta guud iyo awoodda wax iibsiga ee bulshada JSL.