Somaliya iyo Ururka IGAD oo Bogaadiyay Suudaan oo Dib uga mid Noqotay IGAD

by Heemaal
2 minutes read

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka Jamhuuriyadda Suudaan ay dib ugu bilowday xubinimadeeda Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), iyada oo ku tilmaantay tallaabo xoojinaysa wada-shaqaynta goboleed iyo dadaallada nabadeynta ee Geeska Afrika.

War-saxaafadeed ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in dib ugu soo laabashada Suudaan ee IGAD ay tahay arrin muujinaysa adkaynta iskaashiga heer gobol, isla markaana muhiim u ah xasilinta amniga, horumarinta nabadda, iyo kobcinta wada-shaqaynta caalamiga ah ee wax ku oolka ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hoggaaminaysay Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan kaalinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya, kuwaas oo door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Suudaan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in arrintani ka tarjumayso isku-duubni goboleed iyo mas’uuliyad wadajir ah.

“Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkaynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqaynta caalamiga ah ee wax ku oolka ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami” ayay tidhi Dowlada Soomaaliya.

Dhankiisa, Urur-Goboleedka IGAD ayaa isna si rasmi ah u soo dhaweeyay dib ugu soo laabashada Jamhuuriyadda Suudaan ee ururka, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaas mid xoojinaysa midnimada IGAD iyo awoodda ururka ee wax ka qabashada arrimaha mudnaanta u leh wadajirka gobolka.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in soo noqoshada Suudaan ay dib u xaqiijinayso isku-duubnida gobolka iyo ballanqaadka wadajirka ah ee nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga.

IGAD ayaa sidoo kale muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan la-shaqaynta Dowladda Suudaan si loo taageero xal nabadeed oo waara, loona xaqiijiyo mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh oo u dan ah shacabka Suudaan iyo guud ahaan gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.