Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay walaac xooggan kadib markii Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Kyiv, caasimadda dalka Ukraine, ay waxyeello ka soo gaartay duqeyn culus oo ka dhacday magaaladaasi.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya maanta oo Sabti ah ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo cambaareysay fal kasta oo khatar gelinaya amniga safaaradaha iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed.
Dowladdu waxay xustay in sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed, uu si cad u dammaanad qaadayo dhowrista iyo badbaadada xarumaha diblomaasiyadda, isla markaana aan la oggolaan karin in lagu xadgudbo ama lagu waxyeelleeyo.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Ukraine in ay ixtiraamaan shuruucda caalamiga ah, kana fogaadaan wax kasta oo halis gelin kara safaaradaha shisheeye iyo muwaadiniinta ku sugan goobaha dagaalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo doorka diblomaasiyadda ee nabadda iyo xasiloonida caalamka.