Somaliya Oo si Rasmi ah u Dhaqan Gelisay Nnidaamka Cusub Ee Electronic Travel

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA) laga bilaabo 15-ka Febraayo 2026, kadib qorshe hore oo loo shaaciyay in la hirgelinayo dabayaaqadii sanadkii 2025.

Nidaamkan ayaa si buuxda u xakameynaya socdaalka rakaabka u duulaya ama ku wajahan Soomaaliya, wuxuuna ka shaqeynayaa dhammaan garoomada caalamiga ah ee dalka, oo ay ku jiraan Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo Boosaaso.

ETA-da cusub ayaa si toos ah ugu xiran nidaamka shirkadaha diyaaradaha ee Departure Control System (DCS) iyo nidaamka xog is-weydaarsiga rakaabka ee API/PNR, sida ay muujinayaan dukumiintiyo ay aragtay Inside Somalia.

Marka nidaamkan la hawlgeliyo, lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad ku socota guud ahaan Soomaaliya, haddii uusan horey oggolaansho uga haysan nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taas macnaheedu waa in shirkadaha diyaaradaha aysan soo saari karin “boarding pass” ilaa oggolaanshaha laga xaqiijiyo nidaamka dowladda.

Nidaamkan cusub ayaa dowladda siinaya awood ay ku aragto xogta socdaalayaasha, oo ay ka mid yihiin:

Magaca buuxa, taariikhda dhalashada iyo faahfaahinta baasaboorka

Taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore

Faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku

E-visa qof kasta wuu ku safri karaa marka la siiyo, balse ETA kaliya waxaa safri kara qofka ay si gaar ah u oggolaato Hay’adda Socdaalka ka hor duulimaadka.

Related posts

“Qalabkan Qiimaha Laydhka Boorama wuxuu ka Dhigi Doonaa…” Wasiirka Macdanta Somaliland

Somaliland Oo Shaacisay Deegaanada Laga Arkay Bishan Ramadaan

Erdogan Iyo Abay Ahmed Oo Gaaray Heshiis Ganacsi Oo Gaaraya $1-Milyan