Soomaaliya ayaa hadda noqotay Guddoomiyaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo calaamad u ah guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah dalka iyo kor u qaadista codka Soomaaliyeed ee caalamka.
Inta lagu jiro guddoomiyennimada, Soomaalidu waxa ay kaalin ka qaadan doontaa dejinta ajendaha Golaha Amaanka, shir-gudoominta kulamada heerka sare & hagista doodaha ku saabsan arrimaha amniga caalamiga ah, oo ay ku jiraan howlgallada nabad ilaalinta, xasilloonida gobolka, iyo caqabadaha bani’aadannimo, sida ay sheegeen diblomaasiyiin.
Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in DFS fursaddan u isticmaali doonto sidii ay ugu soo bandhigi lahayd arrimaha amniga Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, u taageeri lahayd dedaallada nabadda, isla markaana u ololeyn lahayd iskaashi caalami ah oo xoogan oo ay kaga hortegeyso aqoonsiga Israa|| ee Somaliland.
Guddoomiyennimadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid muhiim u ah diblomaasiyadda Soomaaliya, iyadoo dalka ka caawin doonta in uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo siyaasadda caalamiga ah, isla markaana u oggolaanaysa in codka Geeska Afrika si firfircoon loogu maqlo Golaha Amaanka.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad muhiim ah oo siyaasadeed ah, waxaana guddoomiyennimadan la filayaa in ay kor u qaaddo sumcadda dalka iyo doorka uu ka ciyaaro nabadda gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

