Soomaaliya oo tacsi u Dirtay Qatar iyo Turkey

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dalalka Qatar iyo Turkey kaddib shil diyaaradeed oo ka dhacay biyaha Qatar, kaas oo sababay dhimashada toddobo qof.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay muujinayso “murugada iyo tacsi qoto dheer oo ay la wadaagayso dowladaha iyo shucuubta Qatar iyo Turkey, kadib khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaas.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in diyaaraddu ay ku jirtay hawl shaqo markii ay dhacday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay adkaysay in ay garab taagan tahay labada dal xilligan adag.

“Soomaaliya waxay tacsi u diraysaa qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dadka ku dhintay shilka, waxayna Alle uga baryaysaa inuu u naxariisto marxuuminta, samir iyo adkaysina ka siiyo eheladooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhammaan toddobo qof oo saarnaa diyaarad helikobtar ah oo ay ku jiraan saddex muwaadin oo Turki ah, ayaa ku dhintay shil ka dhacay biyaha Khaliijka, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Wasaaradaha difaaca ee Qatar iyo Turkiga ayaa sheegay in diyaaraddu ay burburtay ka dib markii ay cillad farsamo soo wajahday, taasoo wasaaradda Qatar ay sheegtay inay dhacday intii lagu jiray hawl caadi ah.

Related posts

136 Mudane Ee katirsan baarlamaanka DFS Oo Ugu Baaqay Xassan Sheikh inuu joojiyo Duulaanka Koonfur Galbeed.

Dibadbaxayaal Careysan oo Sawirada Xasan Sheekh ka fujiyay Darbiyada iyo Goobaha Muhiimka ah Ee Baydhabo..

War Hadda kasoo Yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan.