Dowlada Spain ayaa hawadeeda ka xidhatay diyaaradaha Maraykanka ee qaybta ka ah dagaalka Iiraan, sida ay xaqiijisay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaasi Margarita Robles.
Talaabadani ayaa imanaysa iyadoo hore Spain uga mamnuucday Ciidamada Maraykanka iney adeegsadaan saldhigyadeeda Ciidan ee Maron iyo Rota oo ku yaalla koonfurta dalkaasi, taasi oo sababtay inuu Madaxweyne Trump ugu hanjabo Spain inuu jari doonno ganacsiga uu la leeyahay.
Spain ayaa ah dalka keliya ee sida weyn ganafka ugu dhuftay dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, iyadoo bishii October ay baarlamaanka dalkaasi ansixiyeen inaan wax hub ah laga iibin karin Dalka Israa’iil.
Dhinaca kale Koox internet-ka wax ku jabsata oo xiriir la leh Iiraan ayaa jabsaday kaamirooyinka amniga ee magaalooyinka Israa’iil, halkaa oo la sheegay inay kala socotay Iiraan , khasaaraha ka dhalanaya weerarrada ay ka fulisay gudaha Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqyada ciidanka Israa’iil, sida uu baahiyay wargeyska ka soo baxa Mareykanka ee Wall Street Journal.
dawlada Russia ayaa sheegtay inay shidaal u dirtay Cuba si loo taageero adeegyada muhiimka ah, iyadoo dalkaasi wajahayo yaraanta sahayda.
Afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in arrinta sahayda loo diro jasiiradda Caribbean-ka laga hadlay intii lagu guda jiray wada-hadallo lala yeeshay mareykanka.