Spain Oo ku Dhawaaqday inay Dib u Furayso Safaaraddeeda Tehran Iyo Britain Oo u Digtay M/Putin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Spain ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso safaaraddeeda magaalada Tehran, iyadoo ka faa’iideysanaysa fursad nabadeed oo soo baxday, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Jose Manuel Albares oo la hadlay baarlamaanka dalkaasi.

Tan iyo markii uu bilaabmay khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, Spain waxay noqotay mid si adag u dhaleeceysa tallaabooyinka militari ee Mareykanka, iyadoo xitaa mamnuucday in saldhigyada militari ee Spain loo adeegsado weerarrada, kana qaadatay mowqif ka adag kan qaar ka mid ah xulafada Yurub.

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa weerarrada ay wada fuliyeen Mareykanka iyo Israel ku tilmaamay kuwa khatar ah oo sharci-darro ah, isagoo xusay in dalkiisu uusan ka qeyb noqon doonin arin waxyeello u keeni karta dunida.”

Go’aanka Madrid ee dib loogu dirayo safiirkeeda Iran ayaa si degdeg ah uga falceliyay wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Sa’ar, kaasoo ku eedeeyay Spain inay garab taagan tahay nidaam uu ku tilmaamay argagixiso.

Dhinaca kale Dawlada Britain ayaa uga digtay madaxweyne Putin in aan loo dulqaadan doonin isku day kasta oo Ruushku ku doonayo in uu ku waxyeeleeyo fiilooyinka iyo dhuumaha badda hoostooda mara goobaha ku xeeran UK.

Xoghayaha gaashaandhigga ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Britain iyo xulafadooda ay muddo bil ah ku raad joogeen mid ka mid ah maraakiibta badda quusa ee Gujiska oo uu leeyahay Ruushka iyo labo markab oo kuwa basaaska ah oo iyaguna ah kuwa badda quusa.

maraaiibtan ayuu sheegay in ay imika dalkooda Ruushka dib ugu laabten.