Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegay in Sucuudigu u dulqaadan doonin hanjabaad iyo weerar kasta oo ka dhana Dalka Iiraan.
Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed binu Salman oo telefoon kula hadlay Madaxweynaha Iiraan ayaa ku wargaliyay in Boqortooyadu ay gabi ahaanba kasoo horjeedo oo aysan aqbalayn hanjabaad iyo gardaro kasta oo ka dhana Iiraan.
Maxamed binu Salman ayaa dhanka kale usheegay inuu diyaar u yahay in Sucuudigu uu iskaashi la yeesho Iiraan iyo wadamada kale ee gobolka si loo dhiso nabad iyo ammni waara.
Intii Wadahadalku socday Madaxweynaha Iiraan ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo wado kasta oo dagaal looga baaqsan karo laguna gaadhi karo nabad, isagoo dhanka kale carrabka ku adkeeyay in midnimada dalalka Islaamku ay lama huraan u tahay xasiloonida gobolka.