Suuriya iyo Israel Oo Heshiis Xasaasi ah ku Gaaray Paris (Akhriso Qodobada Heshiiska)

by Heemaal
2 minutes read

Suuriya iyo Israa’iil ayaa maanta is fahan ku gaaray magaalada Paris oo ay ku yeesheen wadahadallo uu Mareykanka dhex dhexaadiyay.

Sida ay werisey Axios oo xiganaysa warsaxaafadeed wadajir ay usoo saareen Mareykanka, Suuriya iyo Israa’iil oo ay sii deysay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Qodobbada isfahanka ay ka gaareen Suuriya iyo Israa’iil, waxaa ka mid ah;

1-Suuriya iyo Israa’iil, waxay mar kale xaqiijiyeen go’aankooda ah inay ku dadaalaan hirgelinta hannaan amni iyo xasillooni waarta oo u adeega labada dal iyo in la sameeyo aag dhaqaale oo hub-ka-caaggan.

2-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhiso hannaan wadajir ah oo isku-dhafan (fusion mechanism) unug isgaarsiin oo gaar ah , si loo fududeeyo isuduwid degdeg ah oo joogto ah oo ku saabsan wadaagista sirdoonka, dejinta xiisadaha militari, wada-xaajoodka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha ganacsi, iyadoo Mareykanka uu kormeerayo.

3-Hannaankan wuxuu noqon doonaa madal lagu xalliyo khilaafaadka si degdeg ah, laguna hortago is-faham-waa kasta.

4-Mareykanku wuxuu bogaadinayaa tallaabooyinkan togan, wuxuuna sii wadaa ka go’naanshihiisa taageeridda hirgelinta is-fahamkan, taas oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu gaarsiinayo nabad waarta Bariga Dhexe.

5-Ugu dambeyntii; War saxaafadeedkan wadajirka ah ayaa lagu sheegay inuu ka tarjumayo ruuxda kulankii maanta ka dhacay Paris iyo go’aanka labada dhinac oo muujinaya inay bog cusub u furaan xiriirkooda, si ay uga faa’iideystaan jiilalka mustaqbalka.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Axios; Mareykanka ayaa u gudbiyay Israa’iil iyo Suuriya soo-jeedin cusub. Soo-jeedintan waxaa ku jira in la sameeyo aag dhaqaale oo hub-ka-caaggan (aan ciidan hubaysan loo oggolayn) oo ku yaalla labada dhinac ee xuduudda. Aaggaas waxaa la qorsheynayaa in laga hirgeliyo xarumo tamarta dabaysha iyo goobo dalxiis oo barafka lagu ciyaaro (ski resorts) oo ay wadajir uga faa’iideysanayaan, waxaana sidoo kale la sheegay in dalal ka tirsan gobolka ay diyaar u yihiin inay maalgelin ku sameeyaan mashruucan.

Lama caddeyn halka ay noqonayso xadduuda Suuriya iyo Israa’iil, balse si cad ma muuqato suragalnimo Suuriya ay ku heli karto dhulka ay horey u heysatay Israa’iil gaar ahaan buuraha Golan Heights.

Sidoo kale ma jirto wali wax falcelin ah oo labada dhinac ay ka sameeyeen soo jeedintan, xilli ay is fahan ku gaareen magaalada Paris oo labadii maalin ee u dambeysay uu ka socday wadahadal u dhaxeeyay oo Mareykanka uu dhex dhexaadinayay.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.