Sweden, Norway iyo Denmark Oo Midnimo Muujiyay, Kana soo Horjeestay Hanjabaad Mareykan ah

by Heemaal
1 minutes read

Sweden iyo Norway ayaa warsaxaafadeed wadajir ah ku caddeeyay inay si buuxda u garab taagan yihiin dowladda Denmark, iyaga oo sheegay inay ka hortagi doonaan isku day kasta oo lagu doonayo in lagu qabsado dhul ka tirsan Denmark.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu mar kale hadal-hayn ka dhaliyay caalamka, kaddib markii uu muujiyay rabitaan ah in Mareykanku la wareego jasiiradda Greenland, oo ah dhul hoos yimaada Denmark.

Warsaxaafadeedka ay si wadajir ah u soo saareen Sweden iyo Norway ayaa lagu adkeeyay in xuduudaha iyo madaxbannaanida dalalka Yurub aan la aqbali karin in lagu xadgudbo, isla markaana Greenland ay tahay qeyb sharci ah oo ka tirsan Denmark, aan laga gorgortami karin mustaqbalkeeda.

Labada dal ee deriska ah ayaa sidoo kale xusay in nabadda, xasilloonida, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee iskaashiga Waqooyiga Yurub, ayna ka go’an tahay inay difaacaan mabaa’diidaas haddii ay khatar gasho.

Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa fagaarayaasha siyaasadda caalamka, iyadoo dalal badan ay isha ku hayaan sida ay xaaladdu u saameyn karto xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Yurub.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.