Saturday, April 11, 2026

Sweden Oo Gargaarkii Soomaaliya ku Xirtay Siyaasadda Masaafurinta Mmuhaajiriinta.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Baaritaan ay baahisay Sveriges Radio ayaa daaha ka qaaday in Sweden ay gargaarka horumarineed ee Soomaaliya si qarsoodi ah ugu xirtay siyaasadda masaafurinta muhaajiriinta.

Warbixintu waxay tilmaantay in boqollaal milyan oo karoon oo loogu talagalay horumarinta Soomaaliya lagu wareejiyay mashruucyo kala duwan, balse ay si toos ah ama si dadban ugu xiran yihiin ujeeddooyin siyaasadeed oo la xiriira xakameynta socdaalka iyo in Soomaaliya ay aqbasho dadka laga masaafuriyo Sweden.

Waxaa sidoo kale la sheegay in nidaamkan cusub uu abuuray su’aalo culus oo ku saabsan daahfurnaanta heshiisyada labada dal, iyo sida gargaarka horumarineed loogu adeegsan karo dano siyaasadeed halkii uu ahaan lahaa mid bini’aadantinimo oo nadiif ah.

Dhinaca kale, arrintan ayaa dhalisay dood iyo dhaleeceyn xooggan oo ka timid falanqeeyayaal iyo hay’ado qaar, kuwaas oo sheegay in isku xirka gargaarka iyo siyaasadda socdaalku uu dhaawici karo kalsoonida iskaashiga caalamiga ah isla markaana uu wiiqi karo ujeeddada asalka ah ee gargaarka horumarineed.