Taliska Ciidan Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada-CID oo Kaashanaaya Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Boliiska soomaaliyeed ayaa Gacanta ku soo dhigey gacan ku dhiigle Horey Dil uga Geystey Dowlad Goboleeda Waqooyi Beri Gaar ahaa Laascaanood
Gacan ku dhiiglahan maanta la wareejiye ayaa horey Waaran soo qabasho ah uga yaalay CID baadigood Dheer Kadib waxaa laga soo Qabtey Gobolka Shabeelaha hoose Gaar ahaan Magaalada Marko ,
Hoggaanka Baarista Dembiyada CID ayaa Gacan ku dhiiglihii ku wareejisey Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka W.Bari si loo horgeeyo maxkamada awooda u leh




