Taliyaha Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa Sabtidii booqday markabka USS Abraham Lincoln, xilli markabkaasi ku guda jiray hawlgal qorshaysan oo uu ku marayay Badda Carabta.
Admiral Brad Cooper ayaa booqday shaqaalaha saaran markabka diyaaradaha xambaara ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka, isaga oo ay weheliyaan ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay CENTCOM.
“Waxaan la wadaagayaa shacabka Maraykanka muujinta faan weyn ee aan ka qabno badmaaxiinta iyo ciidanka Marines-ka ee kooxda weerarka ee markabka Abraham Lincoln,” ayuu yiri Cooper. “U heellanaantooda hawsha iyo xirfaddooda sare ayaa si cad uga muuqata halkan Bariga Dhexe, iyaga oo muujinaya diyaar-garowga iyo awoodda milatari ee Maraykanka.”
Witkoff ayaa sheegay inuu la hadlay duuliyaha Talaadadii soo riday diyaarad-yar (drone) oo Iiraan leedahay, taas oo ku soo dhowaatay markabka iyadoo aan lahayn ujeeddo cad.
“Waxaan ku faanayaa inaan la garab istaago ragga iyo dumarka difaaca danaha dalkeena, cabsigeliya cadawgeenna, isla markaana dunida tusaya sida ay u egyihiin diyaargarowga iyo go’aanka Maraykanka, iyaga oo mar walba heegan ku jira,” ayuu Witkoff ku qoray barta bulshada ee shirkadda Maraykanka ee X.
Jimcihii, Witkoff iyo Kushner waxay ku sugnaayeen caasimadda Cumaan ee Muscat, halkaas oo ay ka socdeen wadahadallo dadban oo lala lahaa Iiraan, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka dhashay uruurinta milatari ee Maraykanka ee Gacanka Carbeed iyo hanjabaadaha joogtada ah ee tallaabo milatari ee uu ku celceliyay Madaxweyne Donald Trump.
Markabka USS Abraham Lincoln ayaa u baxay hawlgal bishii Nofeembar. Markabka iyo kooxda weerarkiisa ayaa markii hore ka hawlgalay gobolka Indo-Pacific, ka hor inta aysan imaan Bariga Dhexe bishii Janaayo.
Kooxda Weerarka ee Markabka Abraham Lincoln waxay ka kooban tahay: markabka diyaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln; hoggaamada saaran ee Kooxda Weerarka Markabka (CSG) 3, Kooxda Burburiyeyaasha (DESRON) 21, iyo Garabka Hawada ee Markabka (CVW) 9; maraakiibta burburiyeyaasha gantaallada hagta ee USS Frank E. Petersen Jr. (DDG 121), USS Spruance (DDG 111), iyo USS Michael Murphy (DDG 112); iyo in ka badan 60 diyaaradood oo isugu jira kuwo dagaalka iyo kuwo qumaatiga u kaca, sida lagu sheegay bayaanka.