HNN: George waxaa weli ka harsanaa in ka badan hal sano muddadiisii afarta sano ahayd ee uu ahaa taliyaha 41-aad ee ciidamada dhulka ee Maraykanka. Pentagon ayaa xaqiijisay inuu “iska casilay xilkiisa si degdeg ah.”
In jeneral shaqada laga eryo xilli dagaal lagu jiro waa arrin aad u dhif ah, ayay qortay Reuters.
Eryiddaasi waxay imanaysaa xilli milatariga Maraykanku uu kordhinayo ciidamadiisa Bariga Dhexe isla markaana uu fulinayo hawlgallo ka dhan ah Iran. Kumannaan askari oo ka tirsan cutubka gaarka ah ee 82nd Airborne Division ayaa sidoo kale gaaray Bariga Dhexe si ay uga qayb qaataan hawlgallo suurtagal ah oo dhulka ah oo ka dhaca Iran.
Pentagon ma aysan bixin sabab rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka Randy George. Balse Pete Hegseth, oo hore uga soo shaqeeyay barnaamij-yaqaan ka tirsan Fox News, ayaa si degdeg ah u bilaabay inuu dib u habeyn ku sameeyo wasaaradda gaashaandhigga tan iyo markii uu xilka qabtay.
Sida ay sheegtay Reuters, Hegseth wuxuu sidoo kale shaqada ka eryay jeneral David Hodne, oo hoggaaminayay taliska tababarka iyo isbeddelka ciidanka, iyo jeneral-mayjar William Green, oo hoggaaminayay qaybta culimada (chaplain corps) ee ciidanka. Jeneral Christopher LaNeve ayaa si ku-meel-gaar ah u qaban doona xilka taliyaha ciidanka dhulka.
George, oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka lugta (infantry) kana soo shaqeeyay Iraq iyo Afghanistan, waxaa loo magacaabay jagada ugu sarreysa sanadkii 2023. Wuxuu hore u ahaa ku-xigeenka taliyaha ciidanka iyo lataliye militari oo u shaqeynayay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Lloyd Austin.
Horaantii Khamiista, warbaahinta Maraykanka, oo ay ku jirto CBS News, ayaa sheegtay in Hegseth uu ka codsaday George inuu xilka ka dego isla markaana si degdeg ah u fariisto (retire). Warkaas markaas looma xaqiijin si rasmi ah.
Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka Pete Hegseth ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu farageliyay si uu u xannibo ama dib u dhigo dallacsiinta in ka badan toban sarkaal oo sare oo isugu jira dad madow leh iyo haween, kuwaas oo ka kala tirsan afarta qeybood ee ciidamada, sida ay sheegtay NBC News.
Sagaal sarkaal oo Maraykan ah oo aqoon u leh habkaas ayaa sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha si gaar ah loo bartilmaameedsanayo sababo la xiriira jinsiyaddooda, jinsigooda, ama xiriir la tuhunsan yahay oo ay la leeyihiin siyaasadaha maamulkii Joe Biden.
Ma jiro hal laan oo ciidan ah oo ka badbaaday heerkan faragelinta ee uu sameeyay Pete Hegseth, ayuu mid ka mid ah ilaha u sheegay NBC News.
Go’aanka Hegseth ee ku aaddan inuu farageliyo habka dallacsiinta ayaa walaac ka abuuray saraakiisha ciidamada. Caadi ahaan, wasiirrada gaashaandhigga kama saaraan saraakiisha liisaska dallacsiinta mana diidaan talooyinka shaqsiyeed ee ay soo gudbiyaan laamaha ciidamada.
Sida ay sheegtay NBC News, Randy George oo shaqada laga eryay ayaa dhowaan codsaday kulan si uu uga hadlo xannibaadda dallacsiinta ee uu sameeyay Pete Hegseth ee ku wajahan qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka dhulka. George wuxuu aaminsanaa in diiradda la saarayo haweenka iyo ragga midabka leh, balse Hegseth ayaa la sheegay inuu diiday inuu la kulmo.
Heemaal News Network.