Abdolrahim Mousavi, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan, ayaa sheegay: “Hal qalad oo ka yimaada cadowga awgiis, Maraykan keliya ma ahaan doono mid ammaan ah, dabka gobolka ayaana baabi’in doona Maraykanka iyo xulafadiisa.”
Mr. Mousavi ayaa hadalkan jeediyay intii uu booqasho ugu tagayey mid ka mid ah cutubyada ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay in taageerayaasha dowladda ay “jahawareeriyeen xisaabaadka cadowga dagaalkii dhowaan dhacay ee adkaa, dhinacyo badan lahaa, isla markaana ahaa mid argagixiso.”
Taliyaha Guud ee Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sidoo kale ku andacooday in dagaalkii 12-ka maalmood socday kaddib, arrimaha difaaca Iiraan ay isu bedeleen “mabda’a weerarka ee ciidamada qalabka sida, kaas oo ku saleysan istaraatiijiyad hawlgallo degdeg ah oo ballaaran, iyada oo la qaadanayo xeelado milatari oo kala go’an isla markaana burburin xooggan leh.