27
Dowlada dalka Uganda ayaa shaacisey iney si rasmi ah ciidamadeeda ugala baxayso dalka Soomaaliya oo ay nabad ilaalin u joogeen muddo 19 sanno ah sida uu sheegay Jeneraal Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda.
Ciidamada Uganda ayaa qayb ka ahaa Ciidamado tiro badan oo nabad ilaalin u joogay Somaliya kuwaasi oo lagu magacaabo AMISOM, kuwaasi oo ciidamada Somaliya ka caawin jirey iney dalkooda difaacdaan.


