Taliyaha Ciidanka Somaliya Oo Kulan Gaara la Qaatay Taliyaha Taliska Mareeykanka ee Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka ee Afrika /Special Operations Command of Africa (SOCAF), Major General Claude K. Tudor.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Related posts

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.

“Dalalka Carabta waa Inay Xoojiyaan Iskaashiga ISRL.”Taliye kuxigenka Booliska Dubai