Home SomaliTalyaaniga,Oo si Adag uga Hadlay Dagaalka Iran Iyo Maraykanka Oo Looga Digay Galida Gudaha Iran

Talyaaniga,Oo si Adag uga Hadlay Dagaalka Iran Iyo Maraykanka Oo Looga Digay Galida Gudaha Iran

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Guido Crosetto, ayaa si adag uga hadlay dagaalka Iran.

“Annagu ma taageerin dagaalkan, mana jirin cid na waydiisay aragtideena,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Dhererka dagaalladu kuma xirna awoodda kan ugu xoogga badan, balse waxay ku xiran tahay adkeysiga kan ugu daciifsan.”

Crosetto ayaa sidoo kale xusay in Iiraan ay ka weyn tahay Ukraine, leedahay dad badan iyo taariikh dheer oo kumannaan sano ah.

Joe Kentso Oo ka Digay In Maraykanka Ciidamo u Diro Gudaha Iran.

Joe Kent, mas’uul hore oo madax ka ahaa hay’ada la-dagaallanka argagixisada Mareykanka, ayaa si xooggan ugu baaqay shacabka Mareykanka inay cadaadis saaraan maamulka Donald Trump si looga hortago in ciidamo dhulka ah loo diro gudaha Iran.

Kent ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu wajahayo cadaadis aad u weyn, isagoo shacabka ugu baaqay inay la xiriiraan Aqalka Cad iyo mas’uuliyiinta dowladda, si ay u muujiyaan mowqifkooda ka dhanka ah in ciidamo Mareykan ah la geeyo dhulka Iran.

“Trump wuxuu wajahaa cadaadis aad u weyn. Fadlan la xiriira Aqalka Cad iyo mas’uuliyiinta dowladda, una sheeg ma taageersanin in ciidamo Mareykan ah la geeyo dhulka Iran.”

Bayaankan ayaa imanaya xilli khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiro Washington, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo saraakiisha hore ay ka digayaan halista dagaal dhulka ah oo Iran ka dhan ah, kaas oo keeni kara khasaaro naf iyo dhaqaale oo ballaaran. Joe Kent, oo dhawaan iska casilay xil sare oo amni, ayaa hore u sheegay inuusan taageeri karin dagaal uu ku tilmaamay mid aan dan u ahayn shacabka Mareykanka, isla markaana khatar gelin kara nolosha askarta.

Lubnaan Oo Sheegtay in Weerar ay Israa’iil Geysatay Looga Dilay Askar.

Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in weerar ay Israa’iil geysatay uu ku dhintay mid ka mid ah askartooda, taas oo ah markii ugu horreysay ee si toos ah loo bartilmaameedsado goob ay ciidanka Lubnaan ku sugan yihiin tan iyo bilowgii dagaalka.

Dhowr askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ka dhacay bar kontorool oo ku taal gobolka koonfureed ee Tyre.

Dhanka kale, ciidanka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee koonfurta Lubnaan ayaa sheegay in dhowr xubnood oo ka tirsan ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen shil ka dhacay meel u dhow xadka Israa’iil, mana cadda cidda geysatay.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda lagu dilay Axaddii weerar gantaal oo ay geysatay Xisbullah, (taas oo tirada askarta Israa’iil ee la dilay ka dhigaysa lix).

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.