146
Telefishinka rasmiga ah ee dawladda Iiraan ayaa caawa baahiyay farriin hanjabaad ah oo ku socota madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, taas oo lagu yiri: “Markan xabbaddu kuma seegi doonto.”
Waxaa laga yaabaa inay markii u horreysay Iiraan xaqiijinayso inay ka dambeysay toogashadii uu Trump ka badbaaday.
Telefishinnada Israa’iil ayaa billaabay inay baahintooda u diyaariyaan goobo dhulka hoostiisa ah oo laga galo duqeymaha, tan oo loo qaatay calaamad kale oo xoojinaysa suragalnimada weerarro jawaab celin ah oo laga filanayo haddii la weerarro Iiraan.



