Toddobo qof ayaa ku dhintay hal qofna si daran ayuu u dhaawamcay kaddib markii diyaarad yar oo gaar ah ay dhacday xilli ay ka duuleysay garoonka Bangor gobolka Maine ee dalka Mareykanka.
Shilka ayaa dhacay iyadoo duufaan baraf ah ay ka socoto qeybo badan oo Mareykanka ah taas oo ay ku dhinteen dhowr qof, waxayna korontada ka go’day boqollaal kun.
Duuliyaha ayaa la sheegay in uu arki waayay garoonka ka hor inta aysan diyaarada dhicin.
Warbixin kooban oo soo baxday maanta oo Isniin ah ayey hay’ada duulista feearkalka ku sheegtay in diyaarad siday sideed qof ay “ku burburtay duruufo aan la ogeyn markii ay kaceysay”.
Garoonka Bangor ayaa sheegay in dhacdadan kaddib la xiray iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ay howshoodu wataan.
Barafka ayaa saameeyay garoomada diyaaradaha Philadelphia, Washington DC, Baltimore, North Carolina, New York iyo New Jersey

