Trump ayaa sheegay in markab isbitaal oo Mareykan ah loo diri doono Greenland

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in Mareykanku u diri doono markab isbitaal ah Greenland si uu adeegyo caafimaad uga bixiyo.

Bartiisa baraha bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in isaga oo la shaqeynaya Guddoomiyaha gobolka Louisiana, Jeff Landry — oo uu u magacaabay wakiilka gaarka ah ee arrimaha Greenland — in Mareykanku u diri doono markab isbitaal jasiiraddaas.

“Anagoo la shaqeyneyna Guddoomiyaha cajiibka ah ee Louisiana, Jeff Landry, waxaan u diraynaa doon isbitaal oo weyn Greenland si loo daryeelo dadka badan ee xanuunsan, kuwaas oo aan halkaas si fiican loogu daryeelin,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka. “Way ku sii jeeddaa halkaas!!!”

Landry ayaa kaga jawaabay barta X, isaga oo uga mahadceliyay Trump isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay la shaqeyntiisa arrintan muhiimka ah. “Waad ku mahadsan tahay, Madaxweyne @realDonaldTrump! Waan ku faraxsanahay inaan kula shaqeeyo arrintan muhiimka ah!” ayuu qoray.

Bilihii u dambeeyay, Trump wuxuu dib u soo cusbooneysiiyay xiisihiisa ku aaddan in Mareykanku gacanta ku dhigo Greenland, isaga oo sabab uga dhigaya arrimo amni qaran oo la xiriira Ruushka iyo Shiinaha. Wuxuu ku hanjabay cunaqabateyn ka dhan ah dalalka Yurub ee ka soo horjeeda tallaabadan.

Trump ayaa markii dambe ka laabtay hanjabaadahaas kadib kulan uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte intii lagu jiray Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland, isagoo sheegay in la dejiyay hannaan wada-hadal oo suuragal ka dhigi kara heshiis ku saabsan Greenland iyo guud ahaan gobolka Arctic, waxaana xigay wada-hadallo dhex maray Mareykanka, Denmark, iyo Greenland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wada-hadallo dheeraad ah laga yeelan doono nidaamka difaaca gantaallada ee Mareykanka ee Golden Dome, gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Greenland.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan